Waa Maxay Crypto-Currency?

Cryptocurrency waa lacag digital ah oo aanu u jirin qaab la taaban karo (physical),taas oo lagu sugoo amaankeeda iyadoo la adeegsanaayo nidaam la yiraahdo cryptography farsamooyinka sir-galinta xogta. Waxay kaga duwantahay lacagta caadiga ah oo ay dowladuhu daabacaan sida doolarka, lacagta yuurada ama shilinka, sababtoo ah uma baahna xaruun dhaxe oo maamusha sida banki dhaxe ama hayad dowladeed ama institutions.

Waxayna ku shaqeysaaa technolojiyad la yiraahdo block-chain-ka, oo qabata transactions ka dhaxdhaca, oo ah buug xisaabeed digital ah oo furan, laguna keydiyo dhamaan macaamilada, isku dirida lacagta. Lacagtana waxaa la iskugu diraa address qofka markaa exchange ka haysto.

2009 ayay ahayd markii ugu horeysay ee la sameeyay cryptocurrency, coin-kii ugu horeyay ee la sameyayna wuxuu ahaa bitcoin, waxaana la rumeysan yahay in uu abuurey qof aan wali la garaneynin ama la kaseynin oo lagu magacaawo Satoshi Nakamoto. Ka dib waxaa la abuurey kumanaan lacagood ookale sida Ethereum, Ripple(xrp), cardano, doggy coin, iyo coin-weyn  binance coin.

Astaamaha u gaarka ah cryptocurrency

  • Xorriyad iyo maamul la’aan: ma jiro bangi ama dowlad si toos ah u maamusha lacagtaan digital ah ee cryptocurrency
  • Amaan sare: wa lacag amaan ah, waxaa lagu sugaaa sir qarsoon oo casri ah.
  • Hufnaan: dhamaan macaamiladu wala diiwangaliyaa oo waala record-gareeyaa, dadkuna wey daawan karaa.
  • Xadidan: lacagu waxay leeyihiin wax la yiraahdo maximum supply oo ah tirada ugu badan ee lasoo saari doono, tusaale bitcoin kaliye wxaa lasoo saari doonaa waa 21 million, ka badan lama so saari doono, taasi waxay ka ilaalineysaa sicir barar. Waxaana la qorsheynayaa in tiradaas ay dhameystirmato 2140.

Side buu qofku ku heli karaa cryptocureency?

Hababka cryptocurrency loo heli karo waxaa ka mid ah,

  1. Iibsasho: waxaad ku iibsan kartaa lacagtaada caadiga ah sida dollar-ka, yuurada, adigoo adeegsanaayo exchanges-ka sida coinbase, binance iyo kraken.
  2. Ka garanacsiga crypto-currency: iibso markuu suuqa dhacsan yahay iskana iibi markuu suuqa kaco ama faa-ido kuu sameeyo.
  3. Mining: tani waxay u baahantahay inaad xalisid xisaabo adag, sido kale waxay u baahantahay koronto badan oo aanu awoodin aadaha caadiga ah.

Dadku maxay u xiiseeyaan cryptocurrency?

Xorriyad maliyadeed: lacagaha caadiga ah waxaa maamulo bankiyada iyo iyo dowladaha, cyrpcurrency malahan maamul dhaxe, cyrpcurrency dadku waxay siisaa awood ay ku xakameyn karaan lacagtooda  iyagoo aanu baahneyn bangiyo.

Fursado dhaqaale iyo maalgashi: dadku xur ah aanu shuruudh lahayn ugu maalgashan karaan lacagooda sida bitcoin, Ethereum, xrp or doggy coin.

Hal abuurnimo techloolajiyadeed: techloolajiyada bloch-chain-ka waxay suurtagal ka dhigtay  adeegsiyo cusub sida NFTs iyo smart contracts.

Waa qarsoodi: lacagtaan cryprocurrency wa lacag qarsoodi ah ma jirto cid ogaan karta inta lacag aad sidato, millions o dollars ayaad la safri kartaan adigoon cidna ku ogaan.

Xawaare iyo fudeed: lacagaha caalamiga ah ( international transfers) waxay qaataan maalmo haddi la isticmaalo bangi, balse cryptocurrency waxay mararka qaar ku dhameystirmeysaa daqiiqado gudahood.

Talo iyo tusaale muhiim ah.

Maalgalin yar: ku bilow lacag yar aad ka maarmi kartid isla markaasna ugu talagal lon term investments.

Laso updates-ka: lasoco arimaha ama wararka la xariira sidaasada caalamka, sida tan trump.

Ilaali sirtaada: haddi aad lumiso private-key waxaad lumisay lacagtaada.

Kororso aqoontaada: raac kanaalada waxbarasho ee la isku haleeyn karo sida binance academy ama websites-ka saxda ah ee lagu barto cryptocurrency, kan ugu fican ee cryptocurrency lagu barto waa iraaso.com 

Gabagabo: cryptocurrency wa lacagta mustaqbalka waana kacdoon cusub dadka wax bartay ama wax fahmey ka faa-ideysan kara, balse waxay leedahay khataro haddu qofka aanu ka taxadirin isla markaasna aqoon iyo fahan aanu ku galin.

Haddi aad tahay qof bilow ah ama hadda kugu horeyso waxan kugula talin lahaa inaad si miyir leh u gasho isla markaasna aad ku gashid aqoon iyo cilmi, isku dey inaad qaadatid course-ka la xariira cryptocurrency, investments iyo trading, ha ilaabin inad ka qaadatid course-ga iraaso.com.

 

Wixii fahfaahin ah kala xariir numberkaan: 0611165098.

Wabbilahi towfiiq. Ila joog.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *