Waa Maxay Bitcoin?
Sababta loo sameeyay lacagta digital ah ee bitcoin waa in la abuuro nidaam maaliyadeed madax banaan oo labada qof toos ay wax iskugu dhaafsan karaan, iskugu diri karaan, Looma baahna cid sedexaad, si looga dhigo maaliyada dunida mid xur ah oo laga hortago sicir barar lacagaha wadamada sababtoo ah malahan supply limit tiro xadidan inta lacag lasoo saarayo, halka bitcoin ee ku kooban tahay kaliye labaatan iyo kow milyan, ka badan lama soo saaraayo.
Faa-idooyinka bitcoin
Lacagta digital ah ee bitcoin waxay leedahay faaidooyin dhoor ah, laakiin waxaan kusoo koobaynaa afar faa-ido oo waaweyn, waxaadna dareemi doontaa faa-idooyinkaas markii aad maalgashid oo aad ku biirtid. Faa-idooyinkaas waxaa ka mid ah.
- No inflation
Waa sababta ugu weeyn mar haddi bitcoin isticmaaleysid kama cabsan doontid sicir barar.
- Free to travel
Bitcoin wad la safri kartaa adigoon cidna ku ogaan, haddi aad haysatid lacag la eg 3 million ma jirto cid ku ogaan karta.
- Xorriyad maaliyadeed
Ma jirto cid kaa xanibi karta lacagtaada ama ka qaadan karta, waa xorriyad maaliyadeed qofka isagaa u madax banaan lacagtiisa central bank malahan oo lacagta ka xanibi kara.
- Xawilaad degdeg ah oo caalami ah
Waxay bitcoin ka dhigtay xawilaada mid deg deg ah amaan ah, qofka joogo Meesha ugu danbeeso aduunka ayaa si dhakhso ah ugu diri kartaa lacag, daqiiqado yar gudahood. Ma jirto fee oo charge ah sidaa u badan oo laga qaadaayo.
Yaa maamulaayo bitcoin?
Fikradda assaasiga ah, bitcoin waa lacag digital ah ama wa lacag danabeysan ama lacag khalaad (electronic ah) oo an lahayn maamul dhaxe central bank sida bankiyada iyo dowladaha oo kale. Dadku lacagtu waxay iskugu diraan internet-ka (address) si toos ah midba midka kale, iyadoo u dhaxayn qof sedexaad ama middleman.
Block-chain- buugga diiwaan-ka guud. Bitcoin wuxuu ku shaqeeyaa bloch-chain oo ah bug electronic ah oo diiwangaliya dhamaaan macaamilada (tansactions) la sameeyo ama isku dirida lacagaha ayuu qabtaaa tansactions.
Macluumaadka waxaa lagu keydiyaa blocks (xirmooyin xog ah).
Block-kasta wuxu ku xiranyahy block-gii ka horeeyay, taas waxay sii abuureysaa silsilada ama chain la yiraahdo block-chain.
Chain- wa silsilad block waliba waxaa ku jirto xog macamiil la isku dhaafsadey shabakadda bitcoin.
Mining-(qodista bitcoin) qodayaasha wa kombiyuutaro awwod badan leh oo xalliya xisaabo adag, markay xaliyaan hal dhibic xisaabeed waxay xaq u yeeshaan in ay abuuraan block cusub oo lagu daro block-chain. Shaqadooda waxaa lagu abaaalmariyaa bitcoin cusub iyo lacagaha adeeg-yada oo ah transaction fees. Taasi wa sida bitcoin cusub u abuuranto ama u sameysanto.
Crypto-graphy wa nidaam loo adeegsado in lagu qariyo xogta bitcoin, maadaama ay tahay lacag khalaad ama digital ah oo madaxbanaan waxaana sahlan in hackers ay so weeraraan, si markaa loogu hortago midaas waxaa kooxdii ka danbeeysay ku qariyeen xogteeda tecknologiyadada cryptography sida marka lasoo saarayo lacag cusub, la xaqiijinaayo macamiilka.
Sida qiimihiisu u dhacayo ama u kacayo?
Qiimaha bitcoin wuxuu ku xiranyahy:
- Dalabka iyo bixinta (supply and demand)
- Kalsoonida dadka
- Isticmaalka ganacsiyada
- Khudbadaha dowladaha, qaar ahaan mareykanka.
- Dareenka suuqa
Yaa maamulaayo bitcoin-ka?
Bitcoin ma jirto hal qof ama haya’d maamusha, wa nidaam decentralised ah oo ay wada xakameeyaan dadka isticmaala, shabakada computerada (nodes), iyo dadka qodaya ( minners).
Satoshi Nakamota– waa qof ama koox magacaan leh bitcoin curisay laakiin hada cidda si saxda ah u maamusha lama garanaayo qofkood ama kooxdooda.
Nodes- waxay hayaan nugul buuxa oo block-chain-nodes-ku waxay xaqiijiyeen xeerarka shabakadda iyo macaamilada. Haddi node-yadu diidaan isbedel, isbedelkaasi ma dhaqan galaayo.
Miners(qodoyaasha)- waxay xoojiyaan sugaan shabakada ayagoo oo xalinaaya xisaabaad waxay keenaan block cusub oo ku dara block-chain.
Developers– waxay qorayaan koodh tusaale ahaan bitcoin core, laakiin koodh-ka cusub ma dhaqan galayo ilaa ay adeegsadaan nodes iyo miners.
Saameyn-ta dhaqaale- dadka haysta lacag badan loo yaqaano whales, suuqyadu iyo xeerarka dowladaha waxay saameeyaan qiimaha bitcoin, laakiinse ma maamuli karaan protocolka aasaasiga ah haddi aysan helin taageero farsamo iyo mid shabakad.
kala xariir: 0611165098