Horumarka aadanaha waxaa aas-aas u ah ama laf dhabar u ah cilmi baaris joogto ah, dhamaan horumarka ka jira dhinacyada cafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo bulshada guud ahaan waxaa sal u ah cilmi-baaris joogto ah, iyadoo loo marayo climi baaris, bani aadam-ku wuxu fahmaa dhibka jira (problems), wuxuuna baadi-goobaa xalka waara, wuxuuna gaaraa goan sax ah ku saleysan xaqiiqo iyo caddeyn.

Waa maxay cilmi-baaris?

Cilmi-baaristu wa nidaam ama hab loo aruuriyo xogta, loo falanqeeyo, loo turjumo xogta iyo macluumaadka si loogu jawaabo su’aal ama loo xaliyo dhibaato. Cilmi baaristu waxay ku lug leedahay adeegsiga hababka sayniska iyo macquulka ah si loo baaro mawduuc ama ifafaale, si loo helo ama loo ogaado aqoon cusub, la ansaxiyo aragtiyo jira ama horumarinta kuwa cusub.

Cilmi baaristu waxaa lagu sameyn karaa dhinacyo kala duwan sida Cilmiga dabiiciga ah, Cilmiga bulshada, cilmiga injeernimada iyo cilmiga aadanaha.

Hadaf-ka laga leeyahay cilmi-baarista?

Cilmi barista hadafyada laga leeyahay wey kala duwanaan kartaa, balse waxaa ugu muhiimsan in jawaab loogu helo su’alihii aan la aqoon jawaabtooda iyo in lasoo helo runta aan weli la ogaan, iyadoo lagu raadinaayo hab cilmiyeysan.

Halkaas hoose waxaan idin kula wadagayaa hadaf-yada kala duwan ee cilmi barista laga leeyahay maadaama aan horey idin-ku sheegay in hadafyada cilmi-baarista laga leeyahay ay kala duwanaan karto,

  • Exploratory study: in arin cusub la baaro si deeply ah wax badan laga ogaao.
  • Diagnostic study: in la daraaseeyo la baaro inta jeer ee wax so noqnoqdaan iyagoo xariir la leh arin kale.
  • Hypothesis testing: in la tijaabiyo saadaal la bixiyay xariir ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( variables)

 Cilmi baaristu waa ay  kala duwantahay weyna noocyo badan tahay. Inta aan la bilaabin cilmi barista ama research-ka waxaa haboon in la isweydiiyo.

  1. Pure research: Cilmi baaris saafi ah

Inta badan cilmi baristaan waxaa loo sameeyaa si loo ogaado xog aas-aas u ah cilmiga ama aqoonta sayniska marka la sameynaayo cilmi barista qaabkaan ah, hadafku ma ahan in loo adeegsado durbaba oo la dabaqo natiijada ka soo baxda cilmi barista, ee hadafku waxaa waaye in la hormariyo aqoonta jirta ama cilmiga jira, la sharxo lana cadeeyo xariirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha.

Hadafka cilmi baaristaan ma ahan in xal degdeg ah la raadiyo ee waa kor u qaadista aqoonta iyo cilmiga, sido kale la fahmo wax cusub, aragtiyo la dhiso ama la balaariyo.

  1. Applied research: Cilmi barista la dabaqo

Hadafka cilmi baaristaan ayaa ah xalinta dhibaato jirto ama taagan baahi bulsho.

In xal dhab ah loo helo dhibaato dhab ah, in la hormariyo adeeg, daawo, ama nidaaam iyo natiijada soo baxda si toos ah loo isticmaalo.

  1. Exploratory study: Cilmi baaris sahmiyeed

Cilmi barista qaabkaani ah waxaa la sameyaa waa markii aysan jirin wax horey looga qorey arintaani oo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu sameeyo cilmi baaris.

  1. Descriptive research: Cilmi baaris Qeexineed

Cilmi baaristaani waxay qeexdaa arin gaar ah, waxayna diirada saartaa waxa dhacaya hada. Sido kale waxay diirada saartaa imisa jeer ayay horey u dhaceen arimaha nuucaan ah. Sababaha loo ambaqaado darasadan nuucaan ah way farabadanyihhin waxaase ugu muhiimsan in lasoo muujiyo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (variables).

  1. Predictive research: cilmi baaris saadaalineed

Cilmi baarista nuucaan ah waxay saadalisaa  ifafaalaha mustaqbalka iyo suurtagalnimada waxaas in ay dhacaan. Cilmi baaristaan badanaa waxay ku bilaabataa in la raadiyo waxaa dhici doono iyadoo laga qayaas qaadanayo wixii horey loo ogaa ama horey usoo dhacay.

  1. Explanatory:Cilmi baaris sharaxeed

Cilmi barista nuucaani ah waxay sharaxdaa sababta ay wax u dhacayan, waxayna qiimeysaa waxa sababo xiriirka ka dhaxeeeyo doorsoomayaasha (Variables). Waxaa kaloo loo adedsadaa in lagu tijaabiyo mala awaalka (hypothesis) iyo sameynta ay isku lahaan karaan doorsoomayaasha (variables-ka). Cilmi baaris sharaxeed ku waxay ka jawaabta sababta iyo sida ay wax u dhaceen, waxayna raadraacdaa waxaa sababa iyo samaynta xiriirka ka dhaxeeyo labo doorsoome.

Maxay tahay faa-idada cilmi barista?

1: Kobcinta Aqoonta

Cilmi baaristu waxay kobcisaa ama dhistaa aqoonta, cilmiga  qof-ka iyo tan ummada dhamaantood, waxay keentaaa faham cusub oo ku saabsan dabeecadda, bulshada, caafimaad-ka iyo tan technolojiyada.

2: Go-aan qaadashado

Cilmi baaristu waxay bixisaa cadeyn iyo xog sugan oo la isku halayn karo, isla markaasna lagu saleeyo go-aan sax ah, si gaar ah kuwa la xariira hab maamulka, siyaasadda,, waxbarashada iyo horumarinta aadanaha.

Wakhti xaadirkaan la joogo go-an cilmi baaris la-an oo xaqiiq ku saleysleyn in la qaato aad bey u adagtahay sidaas daradeed waa lagama maarmaan cilmi baaris xaqiiq ku saleysan si  goaan sax ah loo gaaro.

3: Xalinta dhibaatooyin-ka bulshada ka dhaxjira

Waxaa la ogaan karaa dhibaatooyin-ka dhabta ah ee bulshada ka dhaxjira iyadoo la maraayo cilmi baris, gaar ahaan dhibaatooyin-ka la xariira caafimaad-ka, siyaasada, maamul-ka iyo waxbarashada.

4: Horumarinta Waxbarashada

Si loo hormariyo tayada waxbarashada macalimiinta iyo maamulka waxay ka faa-ideysan karaan cilmi-baarista si loo hormariyo manhaj-ka iyo hababka waxbarida iyo tayada waxbarida.

5: Horumarinta dhaqaalaha

Cilmi barista waxay horseedaa  hal-abuur, ganacsi iyo horumarinta cagliga macmalka ah taasoo si toos ah utaageertaa kobaca dhaqaalaha bulshada.

 

GUNAANAD

Gebogabadii, cilmi baaristu waa tiir muhiim ah dhanka horumarka shakhsiga iyo bulshada intuba. Waa aalad lagu xaliyo dhibaatooyin, lagu gaaro aqoon iyo cilmi laguna dhiso mustaqbal wanaagsan, bulsho kasta oo dooneysa horumar waara waa in ay mudnaan gaar ah siisaa, cilmi barista iyo taageerida aqoonyahannada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *